- Get link
- X
- Other Apps
Aamusnaantu waxay ku siisaa xasilooni daganaan kalsooni iyo caqli qofku marka uu muddo aamusnaado waxaa maaxanaya caqligiisa aamusnaantu waa habka ugu fudud ee lagu xaliyo caqabadaha iyo dhibaatooyinka soo kala dhexgala dadka
Xikmada waxa tobankiiba sagaal la siiyey aamusnaanta halka soo hadhayna waxa la siiyey in dadka laga fogaado
Aamusnaanta waxa laga faaidaa waxyaabo fara badan oo aynaan soo koobi karrin
1:aamusnaanta waxa laga faaidaa caqli qofku markuu aamusnaado waxa uu la hadlaa naftiisa waxaana uu ka fikiraa waxyaabaha udanta ah
2:Qofku marka uu aamusnaado qofku si Degan ayuu wax ufahmaa dhanka wax barashada halka dadka buuqa badani aanay horey waxba ufahmin amma aanay gabin ahaanba fahmin
3: qofku marka uu aamusnaado waxa uu qaadanayaa xadiiskii nabigeena (N.N.K.H) UU yidhi (Qofkii illahay iyo maalinka qiyaame rumeeyey ha aamusnaado amma wax khayre ha ku hadlo)
Amusnaanta waxa laga faaidaa waxyaabo badan oo aynaan halkan ku soo koobi karrin
Waxaan rajaynayaa in aad wax un ka faaiday fadlan haddii aad nagu cusubtahay nagu soo biir oo naga mid noqo waad naga faaidi doontaa insha allah
#Mahad#motivation
- Get link
- X
- Other Apps

Comments
Post a Comment