New game 2026 best game free

Talooyin ay muhiim tahay in aad barato



Taladu waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo hadaba halkan waxaan ku gula wadaagi donaa dhawr arrimood o muhiima 

Halkan waxaan kugula wadaagi doonaa dhawr talo ee kaliya waqtigaaga isii 



1: garo ujeedada adduunkan laguu keenay iyo in uu allah kuu abuuray inaad isaga caabudo oo uu

Hammigaaguna yahay jannatul firdawsa 


2:baro maaraynta waqtigaaga 

Waqtigaaga ha ku lumin tileefonka ee waqtigaaga gali wax faaido leh teleefankaada waxaad ka baran kartaa xirfado baahi loo qoobo sidoo kale telefoonkaada waxaad ka baran kartaa luuqado cusub ogowna hadaad taqaano luuqad labaad waxaad tahay qof laba aff leh 


3:dadka ula dhaqan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo 

dadka kaa waawayn ixtiraam kuwa kaa yaryarna una xariiso dadka ha caayin waxba haka sheegin 


4:waqtiga aad firaaqada tahay gali wax faaido kuu leh 

Akhri buugaag faaido leh la fadhiiso dadka kaa waawayn waxaad ka faaidaysaa waayo aragnimo talo iyo tusaale


5: ku dadaal aamusnaanta 

Markaad aamusto maskaxdaadu way dagaysaa jidhkaagu wuxuu dareemayaa nafis 

Jooji hadalka badan ee aan faaido kuu lahayn 


6:ku guulayso ficiladaada ee ha ku guulaysan hadal amma muran 


guushu waa waxa kaliya ee u qofkastaa raadiyo laakiin guusha markiiba lama gaadho waa la samraa waa la dadaalaa waa la kufaa waa la kacaa guul waarta waxa lagu gaadhaa samir iyo adkaysi


6 ku dadaal caafimaadka jidhkaaka 

Jidhkaaku waa muhiim inaad ilaaliso caafimaadkiisa 

Waa inaad cuntaa cunto fiican 

Waa inaad jimicsi samaysaa 

Waa inaad maydhataa 

Hadii aad caafimaad qabtid wax walba waad samayn kartaa ee caafimaadkaaka ilaali


Waxaan rajaynayaa inaad wax un ka faaiday e haddaad nagu cusubtahay nagu soo biir oo naga mid noqo waad naga faaidi doonta insha allah 


#Mahad#motivation 


Comments