New game 2026 best game free

Odhaahyo dahabi ah



Halkan waxa aan kugula wadaagi doonaa odhaahyo dahabi ah oo ku anfici doonaa oo gabi ahaanba noloshaada wax ka badali doona 


1: horumarkaadu hadba waxa uu ku xidhan yahay inta uu leegyahay dadaalkaadu 


2: haddii aad raadinayso raali galling waligaa raali ma noqonaysid 


3: cidna kuma farxad galin karto haddii aanad guduha ka faraxsanayn 


4: xikmadaadu waxay ku xidhantahay aamusnaantaada 

Haddii ay aamusnaantaadu badan tahay xikmadaadu way badan tahay laakiin haddii ay aamusnaantaadu yartahay xikmadaadu way yartahay 


5: inaad guulaysataa kumma xidhna inaad yartahay iyo inaad wayntahay kaliya waxay ku xidhantahay dadaalkaada 


6: ha ka shalaayin wixii la soo dhaafay kaliya cashar ka qaado 


7: waligaa qof kuku kalsoon ha khiyaamin 

Hana ku kalsoonaan qof ku khiyaamay 


8: Qofka waxa lagu qiimeeyaa hadalkiisa 

Waxaana lagula xisaabtamaaa afcaashiisa 


9: Meesha edebta ugu sarraysa waa inaad dhagaysato qof kaaga sheekaynaya shay aad taqaanno 


10: Ardayga ugu xariifsani waa ardayga marka waxa la sharaxayo dhagaysta 

Ardayga ugu saaqidsanna waa kan marka wax la sharaxayo ciyaara amma sheekeeya



Waxaan rajaynayaa inaad wax un ka faaiday ee fadlan hadaad nagu cusubtahay nagu soo biir oo naga mid noqo hubaal waad naga faaidi doontaa insha allah 



#Mahad#motivation 


Comments